Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo shalay ololihiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegay in kenyaan tiro ahaan dhan 14 milyan ay lacago deymo ah ku leeyihiin shirkadaha bixiya lacagaha amaahda ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn in isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan si jagooyinka sare ee hoggaanka loo qaybsado.
William Ruto ayaa xusay in mudnaanta koowaad la siin doono sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada, taageeridda ganacsatada yaryar iyo wanaajinta nolosha danyarta.