DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha isbeheysiga OKA oo laga dalbaday inay ku dhawaaqaan musharrax madaxweyne

0
429

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga ANC ayaa madaxda ku midoobay isbeheysiga OKA ee kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka, Gideon Moi iyo Moses Wetangula ka dalbaday inay bisha soo socoto shaaciyaan cidda sanadka 2022-ka ku matali doonto xilka madaxtinimo ee wadanka.
Senatarka ismaamulka Kakamega , Cleophas Malala ayaa sheegay in wakhtigu uu gaabad yahay.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu sii xoogeysanaya ololaha loogu jiro la wareegidda hoggaanka dalka marka uu dhammaado muddo xileedka madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Lurambi Titus Khamala ayaa dhankiisa xusay inaynan u baahneyn in wakhti laga sii lumiyo madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi.
Tindi Mwale oo baarlamaanka ku matalo dadweynaha deegaanka Butere ayaa xusay inay mas’uuliyiinta OKA haystaan ugu dambeyn 25-ka bisha 12-aad ee sanadkan si ay mowqifkooda u caddeyaan.
Siyaasiyiintan ayaa arrimahan ka hadlay xilli ay isku soo baxyo siyaasadeed ku qabteen magaalada Matunda ee dowlad deegaanka Kakamega.
Waxay dhanka kale Malala iyo Khamala ku goodiyeen inay raadsan doonaan isbeheysi kale oo siyaasadeed haddii afarta mas’uul ee OKA aynan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu heshiin musharraxooda.

5-tii bishan ayay ahayd markii Musalia Mudavadi, Moses Wetang’ula, Gideon Moi iyo Kalonzo Musyoka ay shaaciyeen olole qaran oo ay u galayaan hanashada hoggaanka ugu sarreeya Kenya.
Hasa ahaate waxay hoosta ka xarriiqeen inay musharrax madaxweyne soo bandhigi doonaan muddo labo bilood gudahood ah.