Ku xigeenkii maaliyadda ururka macallimiinta KNUT oo geeriyooday

0
526

Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday Alle ha u naxariistee ku xigeenkii qaybta maaliyadda u qaabilsanaa ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT macallin Cali Cabdi Xuseen.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital, ka dib muddo 3 toddobaad oo uu xanuunsanayay sida ku cad bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Collins Oyuu.
Waxaa uu intaa ku daray in marxuumka uu u dhintay cudurka COVID19.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT Collins Oyuu ayaa Mr. Cali ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi howl kar ah, islamarkaana si hagar la’aan ah ugu ololeyn jiray u doodidda xuquuqda macallimiinta dalka.
Waxaa uu ifka kaga tagay afar carruur ah.