Turkiga oo Muwaadiniinta wadamada Ciraaq , Yemen iyo Suuriya u diiday in ay wadanka Belarus u dhoofaan

0
467

Turkiga ayaa maanta billaabay dhaqangelinta go’aan muwaadiniinta u dhashay dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen u diidaya inay u dhoofaan waddanka Belarus iyaga oo ka duulaya garoomada diyaaradaha Turkiga.
Go’aankan ayaa lagu sababeeyay xiisadda dhinaca qaxootiga ah ee ka aloosan xuduudda u dhaxaysa Belarus oo horey uga tirsanayd waddankii hore ee Midowgii Soofiyeeti iyo Poland.
Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriir diblumaasiyadeed oo saddex-geesood ah uu dhex maray saraakiisha Poland,Turkiga iyo Yurub kaas oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo qulqulka dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah ku gaaraan Midowga Yurub iyaga oo sii maraya xudduudaha bari.