Dowladda Netherlands ayaa lagu wadaa inay soo rogto xayiraado cusub oo lagu xakamaynayo halista cudurka COVID19 sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee dalkaasi.
Arrinkan ayaa imaanaya ka dib marki dalkaasi laga xaqiijiyay mowjado cusub oo la xiriira caabuqa corona.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ila wareedyo ka tirsan dowladda ,baararka iyo maqaayadaha ayaa lagu amri doonaa in albaabada loo laabo marka la gaaro toddobada fiidnimo muddo saddex toddobaad ah oo ka billaabanaysa berry.
Dadka shaqaalaha ah ayaa dhankooda lagu boorriyay inay hab online ah ku soo shaqa galaan iyaga oo ku sugan guryahooda.
Daawadayaasha xiseeya cayaaraha ayaana dhankooda loo ogolaan doonin inay u soo daawasho tagaan tartamada muddo toddobaadyo ah oo ayna yimaadaan garoomada ay ka dhacayaan ciyaaruhu halka dugsiyada waxbarashadu ay ahaan doonaan kuwo sii furan.
Ra’ii isul wasaaraha ku meel gaarka ah ee Netherlands Mark Rutte, ayaa lagu wadaa inuu shir guddoomiyo kulan gaar ah oo ay yelanayaan xukumadda wadankaasi ayna ku gorfaynayaan habka lagu xakamayn karo cudur sidaha corona oo si aad ah ugu soo laba kacleeyay guud ahaan dalkaasi.
Xaladdaha cusub ee COVID19 ee laga diwaangeliyay dalkaasi 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa gaaraya 16,300 oo kiis.
Ilaa iyo hadda tirada uu haleelay xanuun sidaha coronavirus ee guud ahaan dalkaasi ayaa kor u dhaafaysa 2,253,031 qof halka dhimashada ay gaarayso 18,663.
Dad gaaraya 1,993,056 qof ayaa ka soo kabtay caabuqa guud ahaan wadanka Netherlands.