Waaxda dambi baarista dalka oo qabatay 19 milyan oo doolar faalis ah

0
478

Saraakiisha waaxda dambi baarista wadanka ee (DCI) ayaa howlgal ay sameyeen waxay ku soo heleen lacag doolar oo dhan 19 milyan taasoo lagu sheegay inay faalis tahay.
Waxaa howlgalka fuliyay saraakiisha cilmi baarista falal dambiyeedyada iyo kuwa la tacaala dembiyada khatarta ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lacagtan been abuurka ah lagu qariyay boorso oo ayna ciidamadu arkeen xilli ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan lamaane lagu tuhmayo inay shirkad fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ka dhaceen ugu yaraan 11 milyan oo shilin.
Lamaanaha ayaa lala xiriirinayay ka ganacsiga dahabka balse waxay xeelad u adeegsadeen shirkadda oo bixisa talasiinta dhanka maamulka .
Eedeysanayaasha ayaa hadda wajahaya dacwad ah inay lacag ku qaateen qaab khiyaano ah.
Waxaa sanadihii ugu dambeeyay kordhay falalka dhaca ah ee loo gaysanaya kenyaanka doonaya inay si dhakhsa ah maalqabeenno ku noqdaan iyagoo lagu sirayo xeelado ganacsi.