DHAGEYSO:William Ruto oo dhallinyarada uga digay in qabyaalad loo adeegsado

0
408

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo maanta ku sugan ismaamulka Homa Bay ayaa da’yarta uga digay inay fuliyaan dano siyaasadeed oo sida uu hadalka u dhigay qabyaalad ku saleysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in muwaadin walbo laga doonayo inuu taageero dhinaca uu dareemayo in danahiisa la tixgelinaya.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la adkeeyo midnimada kenyaanka maadaama loo diyaar garoobaya doorasho guud.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in hal meel ah looga soo wada jeesto olole siyaasadeed oo ku saleysan adeegsiga qabiilka iyo kala qaybinta shacabka.

William Ruto oo kulamo kala duwan ku qabtay ismaamullada  Migori iyo Homa Bay ayaa shacabka gobolkaasi ka codsaday inaysa sanadka 2022-ka xilka madaxtinimo ugu taageeraan si la mid ah  sidii uu horay ugu soo garab istaagay Raila Odinga.