Guddoomiyaha ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa soo jeediyay in 60 sano oo xabsi ah lagu xukumo ardaygii lagu helo in uu dugsi gubay.
Waxaa uu ku baaqay in ardayda lagu tarbiyeeyo dhaqamada wanaagsan.
Mr. Oparanya ayaa sidoo kale ugu baaqay garsoorayaasha maxkamadaha in xukun adag ay ku ridaan ardayda ku kacda falalka lagu gubaya dugsiyada tacliinta ee dalka.
Soo jeedinta barasaabka ismaamulka Kakamega ayaa kusoo beegmaysa maalmo uun ka dib markii dugsiga sare ee Kakamega la xiray muddo aan la cayimin ka dib markii la gubay labo qol oo ka mid ah kuwa jiifka.
Waxaa dhacdadaasi loo xiray Ilaa 16 arday oo goobtaasi wax ka baranayay.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha uu sheegay in waalidkii uu canuggiisa gubo dugsi laga qaadi doono qarashaadka ku baxaya dib u dhiska xaruntaasi.