Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa ku amray laamaha ammaanka inay bilaabaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah kala gudbinta badeecadaha ee xuduudda uu wadanka la wadaago dalka Tanzania.
Waxaa uu faray shaqaalaha ammaanka iyo saraakiisha maamulka canshuuraha Kenya ee KRA ee ku sugan xuduudda Kenya iyo Tanzania gaar ahaan ismaamulka Kwale in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan badeecadaha halkaasi la soo geliyo lagana gudbiyo.
Waxaa uu sheegay in si wax ku ool ah looga hor taggayo gudbinta alaabaha koontarabaanka ah, iyadoo si wada jir ah dhawaan la bilaabi doono qorshe arrinkan loogu soo afjarayo.
Elungata ayaa ku boorriyay saraakiisha xudduudaha ee aagaga Vanga iyo Shimoni in ay si adag uga hor taggaan tahriibinta baahsan ee alaabta kontarabaanka ah ee laga keena wadanka Tanzania.
Waxaa uu xusay in haddii tallaabadaan la qaado ay niyad jebinayso kuwa badeecadaha sharci darrada kala gudbiya, islamarkaana ay kor u qaadeyso dakhliga dalka soo galayo iyo sidoo kale in la hubiyo in dhaqaalaha wadanka aan dhibaato loo gaysan.
Waxa uu sheegay in ka ganacsiga alaabaha sharci darrada, kuwa tayadoodu liidato iyo kuwa been abuurka ah ay caqabad wayn ku yihiin wax soo saarka dalka.
Mr. Elungata ayaa carrabka ku dhuftay in dagaalka ka dhanka ah badeecooyinka koontarabaanka ah uu si joogta ah uga socon doono gobolka, islamarkaana lagala wareegi doono gaadiidka iyo doomaha ay adeegsadaan dadka wax tahriibiya ama kala gudbiya.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata oo uu wehliyo sarkaal sare oo ka tirsan maamulka qaran canshuuraha ee KRA oo lagu magacaabi Joseph Tanui ayaa waxay amar ku bixiyeen in la qabto dhammaan badeecooyinka sida sharci darrada ah dalka la soo geliyo gaar ahaan dhanka xadka.
Mr. John Tanui ayaa sheegay in KRA ay qorshaynayso olole wacyigelineed oo lagu beegsanayo bulshooyinka xuduudaha iyada oo ujeedadu tahay in la beddelo hab dhaqankooda iyo aragtidooda ku aadan cashuuraha taas oo kaalin wayn ka qaadaneyso kobaca dhaqaalaha ee qaran kasta.
Waxaa uu xusay in dadka wax kala gudbiya ay isticmaalayaan waddooyin aan rasmi ahayn, doomo yar yar iyo mootooyin si ay Kenya u soo galiyaan alaabaha koontarabaanka ah iyo kuwa aan tayadooda wanaagsaneyn.
Tanui ayaa ugu dambeyn ku boorriyay ganacsatada inay galaan ganacsi xalaal ah oo kaliya.