Dibadbaxyo ka dhacaya Myanmar

0
649

Tobonaan kun oo ka mid ah shacabka dalka Myanmar ayaa maalinkii labaad isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalkaas ee Nay Pyi Taw halka kuwo dheeraad ah ay mudaharaadyo ka sameynayaan magaalooyinka kale.
Dadkan ayaa dhigaya dibadbax ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee wadankaas ka dhacay Isniintii sidoo kalena lagu xiray Aung San Suu Kyi oo dalkaas hoggaaminaysay iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa weli hakad ku jiro isticmaalka intarneetka iyo aaladaha loo adeegsado isgaarsiinta gaar ahaan baraha bulshada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ugu yaraan 160 qof la xiray tan iyo markii uu militariga la wareegay hoggaanka Myanmar sida laga soo xigtay ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay ee dalkaas Thomas Andrews.