DHAGEYSO:Ismaamulka Wajeer oo deeq raashiin ah gaarsiiyay 25,000 oo qoys

0
294

Dowladda ismaamulka Wajeer ayaa xariga ka jartay deeq raashiin ah oo loogu tala galay inay ka faa’iidaystaan 25,000 oo ah qoysaska danyarta.
Barasaab ku xigeenka Wajeer Haashim Muusa Yuusuf oo arrinkan ka hadlay ayaa ka digay in deeqdan laga musuqmaasuqo shakhsiyaadka dhibaatooyinka u nugul ee bulshada ku dhex nool.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ku dhawaad 200,000 oo qof oo ku nool ismaamulka Wajeer ay u baahan yihiin gargaar iyadoo laga cabsi qabo in tiradan ay sii kororto haddii aynan roobab da’in.