Senatarka Nairobi oo doonaya inuu u tartamo xilka barasaabka caasimadda

0
407

Senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in sanadka 2022-ka uu u tartami doono xilka guddoomiyaha magaala madaxda wadanka.
Sakaja ayaa xusay in uunan markan tanaasuli doonin sidii uu sameeyay sanadkii 2017-kii.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Capital FM ayuu ku sheegay uusan jirin senatar la mid ah oo sidiisa oo kale ula xisaabtamay dowladda ismaamulka ee uu ku matalo aqalka sare.
Dhibaatooyinka ka taagan ismaamulka Nairobi ee u baahan in la xalliyo sida laga soo xigtay Johnson Sakaja waxaa ka mid ah biyaha , caafimaadka , gaadiidka iyo dhacdooyinka dababka ee soo noqnoqday.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dadweynaha Nairobi ay u codeyn doonaan iyagoo ku qiimeynaya waxqabadkiisa gaar ahaan xilalkii uu soo qabtay.