Saraakiisha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa agabka ay naafada isticmaasho ee dhanka socdaalka ka caawiyo siiyay haweeney da’ dhexaad ah.
Haweeneyda oo magaceedu lagu sheegay Selifa Opanda ayaa tagtay goobta ay dadweynaha iska diiwaangelinayaan iyadoo lagu wado gaari gacan.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay deegaan baarlamaneedka Emuhaya ee ismaamulka Vihiga.
Waxaa warbaahinta u xaqiijisay ku xigeenka sarkaalka IEBC u qaabilsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaankaasi Edith Mahonga oo sheegtay inay ku dhiirrigeliyeen tallaabada ay qaaday.
Home Wararka Kenya IEBC oo agabka naafada siisay haweeney isdiiwaangelisay iyadoo lagu wado gaari gacan