Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ee deegaan baarlamaneedka Ruiru ee ismaamulka Kiambu ay shalay subax howlgal ku dileen nin burcad oo hubeysnaa.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah xoojinta amniga dowlad deegaankaasi.
DCI ayaa intaasi ku dartay in qofka burcadda ah lagu dilay rasaas ay iswaydaarsadeen isaga iyo booliska taasoo daqiiqado socotay.
Ciidamada ayaa howlgalkaasi kaga falcelinayay qaylo-dhaan ka soo yeertay labo qof oo dhibbanayaal ah.
Baaritaan dheeraad ah oo ay saraakiishu ka sameyeen aagga loo yaqaano Gorofa Chafu ee xaafadda Kihunguro ayay ku soo heleen baabuur laga dhacay labada qof ee cawday.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa labo cisho ka dib markii saddex burcad oo hubeysna lagu dilay xaafadda Githurai 45 saacado ka dib markii ay xadeen baabuur la baakimay.