Qorshaha ay dowladda Kenya ku soo saareyso dawooyinka tallaalka oo taageero helay

0
500

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in la dardargelin doono qorsho lagu dhisaya warshad soo saari doonto dawooyinka tallaalka cudurrada kala duwan ka dib markii dowladda Kuuriyada Koonfureed ay sheegtay inay barnaamijkan taageeri doonto.
Bangiga Exim Bank ee Kuuriya ayaa maanta shaaciyay inuu maalgelinaya dhismaha xarunta soo saaridda dawooyinka.
Agaasimaha bangiga Ms Minnie Chey ayaa sheegtay inay ku howlan yihiin qiimeyn la xiriirta heerka taageerada ee ay qorshahan ku garab istaagi karaan.
Warshadda ayaa lagu wadaa in laga hirgeliyo deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi gaar ahaan xarunta maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada socdo ee ay dowladda dhexe ku xoojinayso awooddeeda dhanka daryeelka caafimaad ee bulshada.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa soo dhaweeyay taageerada Kuuriyada Koonfureed wuxuuna xusay in Kenya ay ka go’an tahay inay iskaga filnaato dhinaca sameynta dawooyinka oo ayna tani ku hoggaamiso gobolka.
20-kii bishan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta shaaciyay in wasaaradda caafimaadka ay muddo 6 bilood gudahood ah ku dhameystiri doonto hirgelinta xarunta lagu sameynaya dawooyinka tallaalka ee lagula tacaalo xanuunada baniaadamka haleela.
Shirkaddan oo loogu magacdaray Kenya Biovax ayaa soo saari doonto tallaalka COVID19 , xanuunka dabeysha iyo cudurrada kale.
Qorshaha qaran ee qaybinta tallaalka COVID19 waxaa ku cad in Kenya ay ugu dambeyn sanadka 2024-ka yeelato xarun si dhameystiran u qalabeysan oo soo saarta tallaallada kala duwan.