Dowladda Masar ayaa sii deysay wariye Maxamuud Xuseen oo ka tirsanaa telefishiinka Al Jazeera ka dib in ka badan afar sano oo uu xirnaa.
Xuseen ayaa la xiray dabayaaqadii sanadkii 2016-kii ka dib markii uu dib ugu soo laabtay dalkiisa Masar isagoo ka yimid dalka Qatar.
Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa waxay ku eedeeyeen eedeymo la xiriira inuu daabacay warar been abuur ah oo u ahaa ujeedkiisu xasilloonida dalkaasi ayaa lagu sheegay ilo dhanka amaanka ah .
Warbaahina kala duwan iyo ilaha xuquuqda aadanaha ee Masar iyo Qatar ayaa soo sheegay xalay fiidkii siideynta suxufiga.
Hay’adda kormeerka ee saxaafadda iyo warbaahinta ee dalka Masar oo ah hay’ado aan dowli aheyn ayaa bartooda Facebook ku sheegtay in maxkamadda dambiyada Qaahira ay go’aamisay maalinkii Isniinta ee toddobaadkan in lasii daayo Xuseen.
Shabakadda wararka ee mucaaradka Masar, xisbiga Darb ayaa sidoo kale xaqiijiyay sii deyntiisa.
Xafiiska warbaahinta Al Jazeera ee caasimadda Qaahira ama qoyska Xuseen weli kama aysan hadlin siideyntiisa.
Telefishiinka Aljazeera ayaa si rasmi ah looga mamnuucay dalka Masar ka dib afgambigii militari ee sanadkii 2013-kii lagula kacay madaxweynihi ugu horreyay abid ee si dimoqraadi ah loo doorto ee Maxamad Morsi.
Sii deynta Xuseen ayaa timid ku dhowaad bil ka dib heshiiskii lagu soo afjaray go’doominta saddexda sano ee Qatar ay saareen dowladha Masar, Sacuudi Carabiya, Baxrain, iyo Dalka Isu-tagga Imaaratka.