Xildhibaanka laga soo doorto bartamaha Kisumu Fred Ouda ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay weerar iyo rabshado siyaasadeed oo ka dhacay hoteel ku yaal Kisumu Jimacaha maanta.
Taliyaha booliska Kisumu Kipkirui Ngeno ayaa xaqiijiyay inay hayaan xildhibaanka si su’aalo looga weydiiyo arrimo kicin iyo burbur hantiyeed.
Saddex qof ayaa ku dhaawacmay markii xildhibaanka uu xoog ku galay hoteelka waxaana la sheegay inuu weeraray dadka uu u arko inay daacad u yihiin ninka ka soo horjeeda Dr Joshua Oron.
Alaabo aan la garanayn qiimahooda ayaa la burburiyay intii lagu jiray rabshadihii manata ka dhacay maqaayadda Kalongolongo ee ku taalla Milimani.
Taliyaha booliska dowlad deeganaka Kisumu ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogi doono xildhibaanka marka baaritaanada la soo gabagabeeyo.
Ilaa iyo isniinta ayaa lagu wadaa in mudanahaas maxkmadda la soo taagi doono.