Afhayeenka dowladda dhexe Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in la soo saari doono dhaqaale dhan 2.4 bilyan oo shilin oo lagu wareejinaya ismaamullada ay saameynta xooggan ku yeelatay abaarta.
Lacagtan ayaa cunno loogu iibinayaa shacabka ku nool 23 dowlad deegaan.
Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa bishan Tobnaad iyo bisha soo socoto ee 11-aad.
20-kii bishan ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta shaaciyay in la tacaalidda saameynta abaarta loo qoondeeyay 1.5 bilyan oo dheeraad ah.
23-ka ismaamul ee ay abaartu saameysay waxaa ugu daran 13 ka mid ah sida Baringo, Garissa, Isiolo, Kilifi, Kwale, Lamu, Kitui, Mandera, Marsabit, Samburu, Tana River iyo Wajeer .
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa xusay in maamulka Jubilee uu ilaa iyo hadda ismaamulladan gaarsiiyay 186,000 kiilogaraam oo cunno kala duwan ah.
Waxaa uu qaranka u xaqiijiyay in la sii wadaya dadaallada loogu gurmanaya dadweynaha wajahaya culeys nololeed oo ka dhashay abaarta.