Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Xaalad deg deg ah oo Ayaxa ka...

DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Xaalad deg deg ah oo Ayaxa ka dhalatay


Madaxda Wasaaradda Beeraha dowlada dhexe ee Soomaaliya oo kulan deg deg ah la qaatay masuuliyiin ka socday wasaaradaha Beeraha Maamul goboleedyada ayaa ka hadlay dhibaatooyinka oo keenay Ayaxa Faraha badan eek u degay deegaano badan oo koonfurta Soomaaliya ka mid ah.
Wasaarada beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ku aadan Ayaxa maadaama uu ku degay dhulbaaxadweyn oo isugu jira dhul beereed iyo dhul daaqsimeed.
Ayaxa oo dalagyo badan baabi’iyay ayaa sababay Cuno yari waxayna saamayn ku yeelatay qoysas badan oo noloshoodu ku tiirsanayd wax soo saarka beeraha.
Saamaynta hada taagan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah sida ay wsaarada Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya sheegtay Roobabkii dayrta oo ka hoos maray heerkii laga filayay,daadadkii iyo fatahaadihii Saameeyay dhul beereed baaxad leh iyo qodobo kale.
Wasiirka wasaarada beeraha iyo waraabka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay adkaan doonto ka Saarida ayaxa ku dagay gobolada Koonfureed maadaama ay halkaasi tahay dhul beereed leh waxkasta oo ayaxu soo raacayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments