Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka Dowlada iyo Maleeshiyo hubaysan oo Beledweyne ku dagalamay

Ciidanka Dowlada iyo Maleeshiyo hubaysan oo Beledweyne ku dagalamay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Saaka halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Malleyshiyo hubeysan.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya qaarkood u sheegay in dagaalka uu yahay mid xooggan, oo la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo jugta iyo dhawaqa rasaasta laga maqlayo Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in Ciidanka uu hoggaamiyo Janaraal Xuud ay xalay si dhuumaalaysi ah kusoo galeen gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ka war helay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Magaalada, taasoo keentay in dagaalku uu qarxo subaxnimadii hore ee Khamiista saaka.
Warbahainta Soomaaliya ayaa qoraysa in Khasaare dhimasho iyo dhaawac lagas oo sheegayo halka uu dagaalku ka dhacay, inkastoo aan wali si dhab ah loo xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.
Ciidanka uu hoggaamiyo Janaraal Xuud ayaa horay dagaallo xooggan waxay ula galeen Ciidanka Dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana inta badan dagaaladaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dadka shacabka ah ee lagu dul-dagaalamay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Jabhaddaasi ay kasoo horjeeddo maamulka Cusub ee dhawaan loo dhisay Hirshabeelle, kaasoo qaar ka mid ah shacabka ku nool Gobolka Hiiraan ay sheegeen inaysan aqoonsanayn maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments