Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 3 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay Afghanistan

In ka badan 3 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay Afghanistan

Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro is-xigxigay oo bambooyin loo adeegsaday oo laga gaystay dalka Afghanistan.
Waxaa falalkan ku dhaawacmay toddobo qof oo dheeraad ah.
Mid ka mid ah qaraxyada ayaa lala eegtay baabuur marayay caasimadda dalkaas ee Kabul waxaana ku dhintay labo qof.
Sida laga soo xigtay booliska Kabul ,dadkan waxaa ka mid ah Maxamad Atif, oo ah madaxa hay’adda gargaarka ee aan dowliga ahayn ee Jamiat-i-Islah.
Labada qarax ee kale ayaa lala eegtay ciidamada la dagaallamo daroogada iyo baabuur shacab.
Afhayeenka kooxda Taalibaan Zabihullah Mujahid oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in aynan ku lug lahayn qaraxyada maanta ka dhacay magaala madaxda dalka Afghanistan ee Kabul.
Wararka ayaa intaa ku daraya in magaalada bari ee Jalalabad lagu dilay hal askari halka labo kalena la dhaawacay ka dib markii baabuurka ay saarnayeen la bartilmaameedsaday .
Axaddii la soo dhaafay ayay ahayd markii Midowga Yurub, NATO iyo dhow safaaradood oo ah kuwa wadamada reer galbeedka ay sheegeen in kooxda Taalibaan ay qaadanayso mas’uuliyadda dhammaan rabshadaha ka taagan Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments