DHAGEYSO:Booliska Mororo ee Tana River oo meyd god ka soo saaray

0
511

Ciidamada ammaanka ee tuulada Mororo ee ismaamulka Tana River ayaa lagu soo warramayaa inay meydka nin da’a ah ka soo saareen god.
Wararka ayaa intaa ku daraya in carruur ari la jiray ay meydka arkeen kadibna booliska lagu wargeliyay.
Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in aan la aqoonsan meydkaasi maadaama uu gogo’ay.
Shacabka Mororo ayaa dalbaday in la qardeeyo geedaha ka baxay hareeraha webiga Tana si looga hor tago in dambiilayaal ay halkaasi ku dhuuntaan.
Dadweynaha ayaa sidoo kale doonaya in baaritaano dheeraad ah la sameeyo si loo ogaado in meydad dheeraad ah ay halkaasi ku aasan yihiin iyo in kale.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddo saddex bilood gudahood ah webiga Tana River laga soo saaray ilaa 16 meydad ah.