Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo baarlamaanka hortagaya

0
715

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 9-ka bishan oo ku began Maalinka Talaadada ee todobaadka danbe xukuumadiisu Baarlamaanka horgeyneyso Warbixinta guud ee xaalada dalka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada ayaa waxaa lagu sheegay in maadaama Xukuumadda Somaaliya ay saddex bilood jirsatay uu Ra’iisul Wasaare Rooble baarlamaanka horgenayo 9-ka Bishaan oo ku began si Warbixinta dalka ay ula wadaagaan baarlamaanka,maadaama ay Xukuumada uu hogaaminayo ay hada boqol maalmood Jirsatay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaliyeed inay ka feejignadaana cadawga Gudaha iyo kan dibadda isku meelna ay uga soo wada jeestaan si wada jir loola dagaalamo.
Wuxuu Ra’isulwasaaruhu shacabka Soomalaiyeed ugu tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkii shalay galab shabaabku ku qaadeen Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho.
17-kii Bishii Setember ee sanadkii horee 2020-kii ayaa waxaa Maxamed Xuseen Rooble loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaaliya, waxaana Baarlamaanka ay ansixiyeen 23-kii isla Bishii Setember ee isla sanadka tagay.
Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadal uu Xiligaas u jeediyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ka hor ansixintiisii waxaa uu balan qaaday inuu waxka qaban doono 8 qodob, oo kala ah;Arrimaha Amniga dalka,Doorasooyinka Qaranka,horumarinta dhaqaalaha, waxka qabashada Tabashooyinka dhanka Cadaaladda ah,Dowlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa,Dib u eegista Dastuurka KMG Soomaaliya,Dhab u heshiisiinta bulshooyinka Soomaaliya ee wax kala tabanaya iyo ugu danbayn iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kale ee Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here