Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:C/rashiid Janan oo markale sheegay inay dib ugu laabanayaan Beledxaawo

DHAGEYSO:C/rashiid Janan oo markale sheegay inay dib ugu laabanayaan Beledxaawo

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan ayaa markale ka hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee goblka Gedo iyo qorshaha kaga degsan degmadaas maadaama Ciidamada uu hogaaminaya Looga awood roonaaday dagaalkii 25 bishii hore ka dhacay degmadaasi.
Wasiir Janan ayaa sheegay in sababo jiray aawgeed ay uga baxeen degmada Beled-Xaawo kadib markii ay Ciidamada dowladda kala wareegeen degmadaasi.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaalka u adeegsatay hubkii dowladda turkiga ugu deeqday Soomaaliya ee loogu talo galay in lagula dagaalamo Al-Shabaab.
Cabdi Rashiid Janan oo wax laga weeydiiyay Ciidamadii ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ku qabatay dagaalkii Beled-Xaawo ayaa qirtay in dagaalka looga qabtay 16 askari halka uu sheegay in 36 kale ay iyagu isdhiibeen.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay Ciidamadoodu Magaalada isaga Baxeen markii ay Qataro badan arkeen balse aysan ahayn inay gabi ahaanba sidaas Magaalada uga baxeen ee ay rajaynayaan in markale lagu soo laabta sida uu sheegay.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya & Maamulka Jubbaland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo 25-kii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo, iyadoo midba midka kale uu guulo ka sheegtay dagaalka sidoo kalena ku eedeeyay inay gobolka gedo dhibaato ka wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments