Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Midowga musharaxiinta oo ka hadlay weerarkii huteel Afriik

Midowga musharaxiinta oo ka hadlay weerarkii huteel Afriik

Qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si kulul uga hadleen weerarkii geystay khasaaraha kala duwan ee lagu qaaday hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho, iyagoo sigaar ah uga tacsiyadeeyay Janeraal Maxamed Nuur Galaal oo weerarka ku geeriyooday kana mid ahaa Saraakiishii Sare sare ee Ciidamada Xogga dalka Soomaaliyeed.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, Ra’iisul Wasaare hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhamaantood kamid ah Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa waxay ka tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintay weerarkaas, sigaar ah geerida Janeraal galaal.
Waxaay ku eedeeyeen Madaxda dowladda Fedraalka Soomaaliya inay ka gaabiyeen sugida ammaanka dalka iyo la dagaalanka Ururka Al-Sbabaab oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Afriik ee ay ku Geeriyoodeen Saraakiil Ciidan Ganacsato iyo dad shacab ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada ammaanka toogteen Saddex kamid ah raggii weeraray hotelka halka mid kale uu isku qarxiyay gaarigii uu weerarku ku bilowday, sidoo kale weerarka ay ku dhinteen 5 Ruux oo uu kujiro Janeraal Maxamed Nuur Galaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments