Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay weerarkii huteel Afrik

Dowladda Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay weerarkii huteel Afrik

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixisay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho ay ku qaadeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkaas, waxaana lagu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 9 qof oo 4 kamid ah ay yihiin raggii weerarka qaaday & 5 qof oo uu kujiro Janareel Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay weerarkaas.
Dowladu waxay ku amaantay Ciidamada dalka sida ay u xaqiijiyeen badbaadinta muwadiniintii hotelka ku sugnaa markii qaraxyada lagu weerarayay maleeshiyo hubeysana ay galeen, sidoo kale warka ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu yiri Kooxaha argagaxisada ah waxay caadeysteen waxyeelaynta dadka rayidka ah kadib markii ciidamada dowladda kaga adkaadeen furimaha dagaalka kana qabsaday degaano dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen.
Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada aysan ka daali dooninla dagalanka iyo soo afjarida Ururka Al-Shabaab oo weeraro dhowr ah ka fuliyay Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee Galinkii dnabe ee axada ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo inuu Eebbe u boogo dhayo, wuxuuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan waxa uu ugu yeeray cadawga arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna uga tacsiyeeyey ehellada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dadkii ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday hoteelka Afrik ee magaalada Muqdisho ee uu ka mid ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo dalka iyo dadka muddo dheer u soo Shaqeeyay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay ku xasuusan doonaan General Galaal kaalintii uu ka soo qaatay difaaca dalka muddadii 50-ka sano ka badneyd ee uu ka mid ahaa saraakiishii udub dhexaadka u ahaa Ciidanka xoogga dalka.
Ra’isulwasaaraha ayaa sidoo kale cambaareynayaa falkaas bahalnimada ah, Wuxuuna Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna uu dhaqso u bogsiiyo.
Eng. Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo la dagaallanka Al-Shabaab oo uu sheegay in maalin kasta leynayaan haldoorka dadka Soomaaliyeed, una diiddan nabadda iyo horumarka wadanka.
Weerarkii Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay dad isugu jira, Mas’uulyiin, Ganacsato, Askar iyo dad Shacab ah oo xilliga uu weerarka dhacayay ku sugnaa Gudaha iyo banaanka Hotelka la bartilmaameedsaday.
Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerarkii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel Afrik oo ku yaal wadada aada Garoonka Aadan-Cadde ee ka leexata Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Weerarka oo soo bilaawday 5:00 Galabnimo ee shalay ayaa soo gaaray xalay saqdii dhexe , waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray mas’uuliyiin iyo Shacab intaba.
Afhayeenka booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay ku geeriyoodeen 9 Ruux oo 4 kamid ah ay yihiin raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka geystay halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka weerarka ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa Janeraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan Ciidnaka aSoomaaliya, Cali Dhuux Maxamed Barre oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliya, Cabdullaahi Nuurre siyaad oo Ganacsade caan ahaa lana dhashay siyaasiga Cabdi Nuure siyaad iyo qaar kamid ah ilaalada Hotelka la weeraray.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Adan Cali ayaa sheegay in sababta uu weerarka waqtiga dheer u qaatay ay tahay inay badbaadinayeen marka hore dadkii halkasi ku go’doonsanaa.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in weerarka uu ahaa mid isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ay Hotelka ku qaadeen dagaalameyaashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments