Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha cusub ee CoG oo ballanqaaday inuu xoojin doono dowlad wadaajinta

Guddoomiyaha cusub ee CoG oo ballanqaaday inuu xoojin doono dowlad wadaajinta

Barasaabka ismaamulka Embu oo maalmo ka hor loo doortay guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad deegaannada ee CoG Martin Wambora ayaa ballanqaaday inuu sii horumarin doono nidaamka dowlad wadaajinta .
Jimcihii ayay ahayd markii uu xilkan laga wareegay Wycliffe Oparanya waxaana ku xigeen u ah dhigiisa Kisii James Ongwae.
Mr. Wambora ayaa sheegay inuu sii wadi doono wada-hadallada ku aaddan in miisaaniyadda dhaqaale ee ismaamullada ay noqoto ugu yaraan boqolkiiba 35.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in uu wada tashi badan la sameyn doono dowladda dhexe iyo hay’adaha kale ee horumarka.
Martin Wambora ayay sanadkii 2014-kii afar mar xilka ka qaadeen wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Embu oo ku eedeyay inuu musuqmaasuqay 32.3 milyan oo shilin balse waxaa difaacday maxkamadda oo laashay dhammaan go’aanadaas.
Barasaabka ayaa inta aan loo dooran guddoomiyaha CoG waxaa uu ahaa madaxa guddiga arrimaha ganacsiga ee golaha barasaabyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments