Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Weerar ka dhacay dalka Afghanistan oo ay ciidamo ku dhinteen

Weerar ka dhacay dalka Afghanistan oo ay ciidamo ku dhinteen

Qof isa soo miidaamiyay ayaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku galay saldhig ay leeyihiin ciidamada difaaca ee dalka Afghanistan, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan sideed ka tirsan ciidamada amaanka ee dalkaasi.
Waxaa mas’uliyadda weerarkan sheegtay kooxda Taliban.
Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in kooxdooda ay weerarka soo qaadeen.
Guddoomiye Kuxigeenka gobolka Nangarhar Ajmal Omar, ayaa xaqiijiyay weerarka.
Waxaa uu sheegay in 15 askari ee qaraxa ku dhinteen halka 5 kale uu dhaawac soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments