Dowladda Cuba oo carruurta ka tallaalaysa cudurka COVID19

0
345
FILE PHOTO: A nurse prepares a dose of the Soberana 02 vaccine during its clinical trials at a hospital amid concerns about the spread of the coronavirus disease (COVID-19) in Havana, Cuba, June 29, 2021. REUTERS/Alexandre Meneghini/File Photo

Dowladda dalka Cuba ayaa sheegtay inay toddobaadkan billaabi doonto tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID 19 ee la siinayo dhallinayrada qaangaarka ah iyo carruurta yar yar laga billaabo bartamaha bishan sagalaad.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tallaalayo in ka badan boqolkiiba 90 dadweynaha wadankaasi ilaa bisha 12-aad sida ay warbaahinta dowladdu sheegtay.
Dhamaan carruurta ay da’doodu u dhexayso labo sano jir ilaa 18 sano jir ayaa heli doona ugu yaraan labo tallaal oo ah nooca dowladda Cuba soo saartay ee loo yaqaano Soberana-2 laga billaabo saddexda bishaan September sida uu wargaysa dowladda Cuba ku waramayo.
Saraalka ka tirsan wasaarada caafimaadka Cuba oo lagu magacaabo Ileana Morales Suarez ayaa laga soo xigtay in ololahaan la mid noqon doono tallaalada sanadlaha ah ee ka dhanka ah cudurrada kala duwan ee saameeya carruurta uuna ka dhici doona xaafadaha iyo goobaha caafimaadka.
Tijaabooyinka tallaalka carruurta aan qaargaarin ayay dowladdu sheegtay inuu badbaado u leeyahay lana ogaaday inuu keenay difaac ka xoog badan tan dadka waaweyn sida uu sheegay machadka soo saaro dawooyinka ee Finlay ee dowladda Cuba leedahay.
Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaamiyeyaasha iyo saynisyahanada wadankaasi ay yeesheen si looga hortago musiibada cudurkaan oo hadda ay jasiiradda Caribbeanku la dagaallameyso nooca Delta.
Todobaadkii hore dowladda Cuba waxay diiwaangalinaysa maalin kasta celcelis ahaan tiro u dhexaysa 6,500 ilaa 7,000 iyo 70 ilaa 8 dhimasho ah wallow ay aad hoos ugu dhacday dhowr toddobaad ka hor hadda wali waa mid ka mid ah heerarka ugu sareeya adduunka marka la eego kiisaska laga soo tabiyay meelaha ay ku nool yihiin ilaa ilaa 100,000 ee qof.