Kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo saxiixay qaraarka Qeexaya 13 kursi ee gobolka Banaadir ku yeelanayo aqalka sare ayaa waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiin kale duwan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyay saxiixa qaraarkii Golaha Shacabka Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliyeed ay usoo gudbiyeen ee la Xiriiray Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka 11-aad.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa Xusay inay muddo badan sugayeen Go’aanka uu madaxweynuhu qaatay ayna Guul u tahay shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir ku nool.
Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa dhankiis wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo cidkasta oo hirgalinta Qorshahaan qayb ku lahayd.
Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Saxiixa Madaxweynaha ee kuraasta gobolka Banaadir.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaan Daahir Amiin jeesow ayaa dadka banaanbaxa dhigayay la hadlay.