Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta lagu lagu qabtay Banaanbax looga soo horjeeday Ururka Al-Shabaab, waxaana soo abaabulay banaanbaxaas hay’adaha Amniga iyo maamulka degmada.
Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada, Culima’udiinka, Odayaasha dhaqanka dhalinyarada Haweenka iyo qeybaha kala duwan Ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka waaa weyn ee Magaaladaasi.
Dadkii ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan dhibaatooyin ay sheegeen in Al-Shabaab ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed ayna la dagaalami doonaan.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa dhankooda waxay uga mahad celiyeen Bulshada sida ay dareenkooda ugu muujiyeen sida ay uga xun yihiin dbibaatada ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay hal meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Ammaanka ay kala Shaqeeyaan sugida nabadgalayda.
Banaanbaxa Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee looga soo horjeeday Al-Shabaab ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay degaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dhanka kale waxaa Maalinkii 15-aad Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka socda Banaan Baxyo Cadaalad Loogu Raadinayo Dadkii shacabka ahaa ee ay ciidamada AMISOM Ku Dileen deegaanka Gloweyn ee Gobalka Shabeellada Hoose.