Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa waxaa shirkaas looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinaka Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay horumarrada laga sameeyey hannaanka doorashooyinka uu dalka Soomaaliya galay, maadaama la dajiyey habraacyada doorashada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo muhiimadda uu amniga u leeyahay arrimaha doorashooyinka.
Rw Rooble ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, la isku raacsan yahay, si nabdoon ku dhacda, cid kasta oo tabasho qabtana laga qancin doono , si hannaanka doorashadu u noqdo mid ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu raali ka wada yihiin.
Wakiilladda Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadiyey kaalintiisa hoggaamineed ee horseeday horumarka iyo is fahamka ay ku socdaan Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya.
Afhayeenka Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay qodobada ugu muhiimsan ee shirkaan looga hadlay.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Rw Rooble oo sheegay inay ka go’aan tahay sidii ay dalka doorasho...