Kenyaanka ayaa maanta si dhow ula socdo faahfaahinnada ay bixinayaan garsoorayaasha kala ah Francis Tuiyott, Gatembu Kairu, Hannah Okwengu, Daniel Musinga ,Roselyn Nambuye, Patrick Kiage iyo Fatuma Sichale oo maalmihii ugu dambeeyay dhageysanayay dacwado racfaan ah oo ku saabsan hindise-shariyeedka BBI.
Waxaa kiisaskan maxkamadda geeyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, xeer ilaaliyaha qaranka, xoghaynta BBI iyo guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Garsoorayaasha ayaa tan iyo saaka dhinacyo badan ka eegayay waxyaabaha ay la wadageen qareenada matalaya dhinacyada kala duwan.
Xaakin kasta waxaa uu muddo ku qaadanayay waxyaabaha uu cuskanayo ee lagu burinayo BBI ama ay maxkamaddu ku ansaxinayso in dalka ay afti dastuuri ah ka dhacdo.
Francis Tuiyott oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa sheegay inuu ku raacsan yahay go’aankii ay maxkamadda sare bilooyin ka hor ku laashay geeddisocodkan. .
Waxaa uu sheegay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uusan raacin kooramka saxda ah taas oo ka dhigan inay khalad ahayd xaqiijinta saxiixyadii shacabka laga soo uruuriyay, iyadoo ay xilligaasi jagooyinka sare sare ay ka bannaanayeen IEBC.
Waxaa uu xusay in koram la’aan ay horseedi karto in xubnaha bulshada ay lumiyaan kalsoonidii ay ku qabeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ee IEBC.
Garsoore Fatuma Sichale ayaa sheegtay in madaxweynaha uunan haysan xasaanad ka difaacaysa in dacwad lagu soo oogo.
Waxay ka jawaabaysay go’aankii maxkamadda sare ee ahaa in madaxweynaha shakhsi ahaan maxkamad lala tiigsan karo ama qof gudanaya waajibaadka hoggaamiyaha dalka hadii uu khalad sameeyo ama arrin laga doonayay ka gaabiyo.
Hasa ahaate garsoore Sichale waxay sheegtay in dacwadii laga gudbiyay madaxweynaha aan isaga loo bandhigin.
Xaakinka waxay caddeysay in Mr. Kenyatta aynan suuragal ahayn in laga soo qaado sida qof rayid ah dhanka kalena uu awood u leeyahay inuu billaabo qorsho sharciga lagu beddelaya.
Sidoo kale garsoore Fatuma Sichale ayaa Francis Tuiyott kaga soo horjeesatay go’aankii uu ka qaatay IEBC waxayna sheegtay in guddigan uunan ahayn kooraam la’aan markii uu xaqiijinayay saxiixyada sidaas awgeedna uu howshaasi si sharci ah u gutay.
Sidoo kale waxay sheegtay in aynan sharci darro ahayn in deegaan baarlamaneedyada wadanka lagu soo kordhiyo 70 kursi baarlamaneed.
Mrs. Sichale ayaa carrabka ku dhufatay in kenyaanka ay xaq u leeyihiin inay yareyaan ama kordhiyaan tirada deegaan doorashooyinka sidaas awgeedna soo jeedinta ku xusan hindisaha BBI aynan faragelin ku ahayn xuduudada.
Faahfaahinta garsoorayaasha maxkamadda racfaanka oo uu abaare 9-kii subaxnimo ee maanta furay Daniel Musinga ayaa weli socoto wixii ka soo baxo wararka dambe ee idaacadda ayaad ku maqli doontaan.