Kenya oo laga diiwangaliyay 1,263 kiis oo Covid 19 ah 25 ka mid ahna waxaa laga helay Garissa

0
537

Wasaarada caafimaadka ee dalka ayaa diiwangalisay kiisas dhan 1,263 oo COVID-19 ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dheecaan dhan 8,680.
Tan ayaa xaaladaha guud ee caabuqa ka dhigaysa 225,663.
Cel celis ahaan heerarka Corona oo guud ahaan dalka ku sii fidayo ayaa ah boqolkiba 14.6 .
Waxaana xanuunka ka soo kabsatay 719 ,bogsashada guud ayaa maraysa 208,169.
Halka 26 bukaan ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay Kenya u dhimatay Virus-ka dhimashada guud ayaa tan ka dhigtay 4,404.
Nairobi 272 , Kiambu 122. Makueni 80 Nyeri 76, Kitui 66, Nakuru 66, Machakos 53, Nyandarua 45, Embu 40, Mombasa 36, Murang’a 34, Marsabit 33, Kirinyaga 31, Kilifi 30, Uasin Gishu 30, Kajiado 30, Kericho 27, Nandi 25, Garissa 25, Lamu 20, Baringo 15, Busia 15, Nyamira 13, Laikipia 13, Kakamega 10, Siaya 10, Kisii 11, Narok 6, Homa Bay 5, Tana River 5, Bungoma 4, Mandera 3, Kisumu 2, Meru 2, West Pokot 2, Bomet 2, Taita Taveta 1, Tharaka Nithi 1, Wajir 1 iyo Elgeyo Marakwet 1