Joe Biden oo difaacay go’aankii uu ciidamadiisa uga saaray Afghanistan

0
523

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisii ahaa in ciidamada Mareykanka laga saaro wadanka Afghanistan.
Waxaa uu sheegay in 20 sano ka hor ay tageen dalka Afghanistan islamarkaana hadafkoodu uu ahaa in kooxda Al-qaacidda aysan mar kale weerarro ka soo abaabulin Afghanistan tan iyo weerarkii daarihii mataanaha ahaa ee sanadkii 2001-dii ee magaalada Newyork dalka Maraykanka.
Waxaa uu intaa ku daray in qorshahoodu uu marnaba ahayn inay dowlad u dhisaan Afgahnistan.