Duufaano xooggan oo ku dhuftay dalka Haiti

0
469

Ayadoo shacabka dalka Haiti ay Wajayaan dhibaatooyin ka dhashay Dhul-Gariir iyo Kulayl daran oo ka jira Gobolada Qaar ayaa Waxay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee gargaarku ku dadaalayaan inay helaan duulimaadyo ama gaadiid kale si ay u gaaraan aagag uu dhulgariirka weyn ku dhuftay.
Gegida dayuuradaha ee Magaalada Port-au-Prince ee Caasimada dalka Haiti waxaa Isniintii Maanta buux dhaafiyey Boqolaal dhaqaatiir iyo shaqaale gargaar ah, waxaana dhamaan Noocayada kala duwan ee duulimaadyada la socday kooxo bani’aadamnimo iyo sahay u socotay koonfurta dalka Haiti oo hada ay Xaalad daran ka jirto.
Maalinkii sabtida dhulgariir Cabirkiisu dhan yahay 7.2 ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 1,297 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 5,700 oo kale sidoo kale waxaa ku dumay Kumanaan Guryo iyo dhismeyaal kale ah xaalad adag oo arintaasi ka dhalatay ayuuna Wajahayaan dalkaan Saboolka ah eek u yaala Gobolka Caribbean,kaasoo ka soo kabanayay Dhulgariir kale oo aad u darnaa oo saameeyay 11 Sano kahor iyo dilkii madaxweynihii hore ee Haiti Jovenel Moise, oo bishii hore la dilay.
Dhulgariirka ayaa aad u Saameeyay qiyaastii 125km galbeedka caasimadda Port-au-Prince,Aagagga ku yaal gudaha iyo hareeraha magaalada Les Cayes ayaa sidoo kale la kulmay dhibaatadii ugu weyneyd, taasoo culeys weyn saartay isbitaallada maxalliga ah,oo qaarkood uu dhulgariirku aad u waxyeeleeyay.
Habeenkii Axada Magaalada Les Cayes waxay ahayd mid Gabi ahaanba madow oo aan Wax Koronto ah lahayn boqolaal shacab ah ayaana banaanada Seexday oo kuwaasoo guryahooda uu dhulgariirka baabi’yay sidoo kale ay dhacdadu Cabsi Xooggan ku abuurtay.
Ra’isulwasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa ku dhawaaqay hal bil oo dalka Xaalad deg deg ah lagaliyay wuxuuna sheegay in kolonyo gargaarka oo ay dowladdu soo abaabushay ay billaabeen inay gargaar gaarsiiyaan magaalooyinka burburay iyo isbitaallada buux dhaafiyeen.