Ingiriiska oo Maraynkanka Su’aal ka waydiiyay inay gacmaha ka taagteen Afhganistaan

0
432

Dardarta ay kooxda Taliban kula wareegtay wadanka Afgaanistaan ka dib dagaal socday 20 sano oo galaaftay nolosha boqolaal kun oo qof oo reer afhganistaan ah ayaa su’aal gelisay saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee reer Yurub.
Dowlada Britain ayaa si weyn uga walaacsan soo laba kaclaynta kooxda Taliban iyo ka bixitaankii aan la mahdin ee reer Galbeedka taasoo la sheegayo inay u saamaxayso kooxda xagjiriinta al -Qaacida iyo dowladda Islaamiga inay saldhigyo ka helaan wadanka Afgaanistaan, 20 sano uun ka dib weeraradii 11 September, 2001 ee Maraykanka.
Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykan Ben Wallace ayaa ku tilmaamay heshiiskii ka bixitaanka Doha ee 2020 -kii oo ay ku dhawaaqay maamulka Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump inuu ahaa mid aan wax wanaagsan laga dhaxlin, Mr Wallace ayaana sheegay in go’aanka Biden uu uga baxay Afgaanistaan uu ahaa khalad u suurtagaliyay Taliban inay dib u soo ceshato awooddii sanado badan kadib.
Ilaha amniga ee wadamada reer galbeedka ayaa ka cabsi qaba dib u soo noqoshadaTaliban iyo la wareegitaankeed wadanka Afgaanistaan bilo gudahood ayadoo sannado badan ciidamo reer Galbeed halkaas kula dagaalamayeen,maadaama ay suuro gal tahay inay ka dhalato Halis Weyn oo ingiriiska iyo dalalkale oo reer Galbeed ahi isha ku hayaan.