Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Laikipia ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah oo ay gaysatay koox burcad ah lagu dhaawacay 4 ka mid ah ciidamada booliska dalka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la rumeysan yahay in dableyda ay horay xoolo uga dhacday tuulooyinka dariska ah ee Laikipia.
Weerarkan ayaa dhacay abaare 10-kii habeenimo ee xalay.
Saddex ka mid ah saraakiisha dhaawaca ah ayaa lagu daweynayaa isbitaalka Sipili halka midka afaraad loo qaaday daryeel dheeraad ah.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da weerar lagu dilay.