Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa doonaya in baarlamaanka uu wax ka beddelo xeerka uu ku shaqeeyo si uu u yeesho awoodo dheeraad ah.
NCIC ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay inay kaalin ka qaadato qiimeynta siyaasiyiinta xilal doonka ah.
Guddoomiyaha guddigan Samuel Kobia ayaa xusay inay ku dadaalayaan sidii ay ku heli lahayeen awood ah in siyaasiyiinta caadeystay jeedinta hadallada naceybka ku saleysan ay uga hor istaagaan inay qabtaan jagooyinka bulshada loogu adeego
Xildhibaan Maina Kamanda oo baarlamaanka si magacaabid ah ku galay ayaa dhankiisa sheegay inay eegi doonaan codsiga guddigan