Sarkaal boolis oo kufsi u gaystay haweeney 40 sano jir xerada qaxootiga Kakuma oo maxkamad la soo taagay

0
1058

Sarkaal boolis ah ayaa lagu eedeeyay inuu kufsi u gaystay qof qaxooti ah ayaa maxkamadda ku taalla deegaanka Lodwar ee ismaamulka Turkana u diiday in dammaanad ay kusii deyso.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Kennedy Kamande ayaa la sheegay inuu baxsada ahaa ka dib markii uu kufsi u gaystay haweenye 40 sano jir oo ku noolxerada qaxootiga ee Kakuma.
Eedeysnaha ayaa falkan gaystay sanadkii 2019-kii.
Waxaa uu shalay kasoo hormuuqday garsooraha maxkamadda Lodwar Mwangi K Mwangi, isagoo oo beeniyay eedeymaha loo haysto ee ah inuu fal kufsi gaystay.
Waxaa ay maxkamadda u diiday eedeysanaha dammaanad uu codsaday.
Dacwadda ayaa markale la dhageysan doona 2 -da bisha Sebtembar ee sanadkan.