Madaxweynaha dalka oo magacaabis sameeyay

0
392

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa shan qof u magacaabay ka mid noqoshada xubnaha gudiga adeega macalimiinta ee TSC.
Shantaas qof ayaa kala ah ; Dr. Nicodemus Ojuma Anyang, Christine Kahindi, Sharon Jelagat Kisire, Annceta Wafukho, iyo Salesa Adano Abudo,.
Madaxweyne Uhuru kenyaatta ayaa magacaabistan sameeyay ka dib markii uu warbixin ka helay Guddiga Xulashada.
Mr Kenyatta ayaa hadda magacyadan u gudbiyay Golaha Qaran si ay u ansixiyaan sida waafaqsan Xeerka Guddiga Adeegga Macallimiinta ee dalka
Golaha Shacbiga ayaa hadda, sida ku cad Xeerka, laga sugayaa inay tixgaliyaan magacaabistan oo ayna ku ansixiyaan ama ku diidaan muddo 21 maalmood ah.