Wakiilki hore ee haweenka ismaamulka Kwale Zainab Chidzuga oo geeriyootay

0
455

Wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulka Kwale Zainab Chidzuga ayaa geeriyootay.
Waxaa ay maanta duhurki ku dhimatay isbitaalka Reliance ee xaafada South C magaalada Nairobi sida uu xaqiijiyay xildhibaanka Kinango Benjamin Tayari.
Gabadheeda oo lagu magacaabo Mwanaisha Chidzuga, oo sido kale ah wariye ayaa sheegtay in hooyadeed ay u geeriyootay xanuunka Covid-19.
Geerideeda ayaa waxaa ka tacsiyeeyay qaar ka mid ah madaxda dalka oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka dalka Wiliam Ruto.