Waxgaradka ismaamullada dariska ah ee Wajeer iyo Isiolo ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi waxay kaga hadleen arrimaha nabadgalyada.
Qaraar ka soo baxay kulankaasi ayaa dhigaya in labada dhinac ay dhaqangeliyaan xabadjoojin.
Sidoo kale waxay kulamo la yeelanayaan shacabka ku nool degmooyinka Hadaado iyo Merti oo ka kala tirsan Wajeer iyo Isiolo.
Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in guddi loo saaro qiimeynta khasaaraha ka dhashay isku dhacyada saameeyay xuduudda ismaamulladan.
Sidoo kale waxaa la celinayaa xoolaha la kala dhacay.
Ceelasha biyaha ee la burburiyay intii ay dagaal beeleedyada jireen ayaa dib loo dhisi doonaa.
Waxgaradka ayaa soo jeediyay in la joojiyo dacaayadda lagu faafiyo baraha bulshada iyo siyaabaha kale ee wax u dhimaysa xasiloonida.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dhankeeda sheegtay inay xoojin doonto amniga xuduudda Wajeer iyo Isiolo sidoo kalena ay diiradda saari doonto sidii loo xallin lahaa muranka dhanka soodinta ah.
Guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo Wajeer iyo Isiolo oo kulanka nabadeed ka dib warbaahinta la hadlay ayaa yiri
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Waxgaradka Wajeer iyo Isiolo oo ku heshiiyay in dagaal beeleedyada la soo...