Yaa kusoo baxay doorashada aqalka sare ee Puntland?

0
460

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta ka dhacday doorashada xildhibaannada aqalka sare ee Puntland ku matalaya dowladda federaalka.
Waxaa la dooray dhamaan 11 kursi ay Puntland ku leedahay aqalka sare ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa kusoo baxday kaalinta koowaad ee doorashada aqalka Sare ee Puntland
Waxaa uu helay 54 cod, wuxuu ka guuleystay Maxamed Cismaan Colaad.
Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole wuxuu ka tirsan yahay baarlamaanka uu muddo xileedkiisa dhammaaday.
Kursiga labaad waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab) , kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale ee Kowsar Cabdullaahi Xirsi ka tanaasushay.
Kursiga Saddexaad waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino) oo sidoo kale ah wasiirka Dekadaha Puntland kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale Maxamed Geeddi Maxamuud uu tanaasulay.
Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullahi Cali Xirsi ( Tima-cadde) oo ah wasiirka Warfaafinta Puntland kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ugu codeyen, halka Musharaxii kale Cabdullahi Maxamed Xaashi uu ka haray tartanka.
Kursiga Shanaad a waxaa ku guuleystay Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaan) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Gobolka Bari, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharaxii kale ee Ismaaciil Mire Muumin uu ka haray tartanka.
Kursiga Lixaad ee Aqalka sare ayaa waxaa ku guuleystay Ganacsade Daahir Ayaanle Siciid, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ugu codeeyeen, halka Musharaixii kale Maxamed Cumar Maxamed uu tartanka ka tanaasulay.
Kursiga Totobaad ayaa waxaa ku guuleystay Farxaan Cali Xuseen oo horay kursigan ugu fadhiyay, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen, halka Musharixii kale Hodan Isaaq Maxamed ay ka haray tartanka.
Kursiga Sideedaad ayaa waxaa ku guuleysatay Seynab Ismaaciil Maxamed oo sidoo kale ah Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo Beeraha Puntland kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Haweeneydiii ugu horreeysay ee Aqalka sare loogu doorto garoowe, halka Musharaxii kale ee Aamiina Jaamac Ibraahim ay ka haray tartanka.
Kursiga Sagaalaad ayaa waxaa ku tartamay Cabdiqani Geelle Maxamuud & Cabduqaadir Maxamed Yuusuf, waxaana 52 Cod ku guuleystay Cabdiqani Geelle Maxamuud halka Cabduqaadir Maxamed Yuusuf uu helay 12 Cod.
Kursiga Tobanaad ayaa waxaa ku guuleystay Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad oo cod gacan-taag ah ku heshay 64 Cod, kaddib markii ay u tanaasushey Naciima Axmed oo la tartami laheyd.
Kursiga ugu dambeeya ee aqalka Sare ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Sareedo Maxamed Jaamac, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Senatorkii 11aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Fartuun Yusuf Jaamac ay ka haray tartanka.

Maalinta berri ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada lix Kursi oo kamid ah aqalka sare, waxaana Maamulka Galmudug uu noqonayaa Maamulkii Afaraad ee qabta doorashada Aqalka sare.