IEBC oo u baahan 40 bilyan si ay u maareyso doorashada guud ee 2022

0
474

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa maanta sheegay in miisaaniyadda dhaqaale ee ku baxaysa doorashada guud ee sanadka soo socdo ay tahay 40.9 bilyan oo shilin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in 600 oo milyan oo lacagtan ka mid ah loo adeegsan doono la tacaalidda faafidda cudurka COVID-19.
Wafula ayaa xusay in hadii lagu wareejiyo dhaqaalaha ay u baahan yihiin oo ay hadda ka dhiman tahay 14 bilyan ay sida habboon u maareyn karaan codeynta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay si buuxda u dhaqangelinayaan xeerka dhigaya in saraakiisha dowladda ee doonayay inay u tartamaan jagooyinka siyaasadeed ay tahay inay is casilaan 6 bilood ka hor xilliga doorashada guud.
Guddiga IEBC ayaa maanta xaqiijiyay in doorashada guud ee sanadka dambe ay qabsoomi doonto 9-ka bisha sideedaad ee 2022-ka.
Madaxa IEBC ayaa shaaciyay in miisaaniyadda dhaqaale ee ay wasaaradda maaliyadda ku wareejisay guddiga doorashooyinka ay tahay 26.3 bilyan.
Sidoo kale IEBC ayaa sheegtay in ugu badnaan 700 oo codbixiyayaal ah keliya loo oggolaan doono goob kasta oo ka mid ah meelaha ay codeynta ka dhacayso.