DHAGEYSO:Hoggaamiyaha ANC oo maamulayaasha dugsiyada baaq u diray

0
532

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka ka codsaday inaysan culeys dheeraad ah saarin waalidiinta maadaama ay saameyn dhaqaale ka dhalatay cudurka COVID19.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in waalidiinta mararka qaar lagu khasbo inay labiska dugsiyada ee carruurtooda iyo agabka kale ee looga baahan yahay xarumaha leh qaybta jiifka ay ka soo iibsadaan goobo gaar ah.
Mr. Mudavadi ayaa xusay in ganacsatada loo tilmaamo waalidiinta ay ka faa’iidaysanayaan xaaladda jirta iyagoo badeecooyinka uga iibinaya qiimo sare.
Madaxa ANC ayaa sheegay in arrintan ay sharci darro tahay oo waalidku uu xaq u leedahay go’aan qaadashada la xiriirta halka uu canugiisa uga soo iibinaya waxyaabaha uu u baahan yahay.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa dhanka kale kenyaanka ku boorriyay in sanadka soo socdo ay xilalka hoggaanka u doortaan mas’uuliyiin ay ku qiimeeyeen waxqabadkooda.
Waxaa uu tilmaamay in cidda qabanaysa hoggaanka dalka ay tahay mid aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh maamul wanaagga.
Sidoo kale waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in xisbiga ANC hadii uu la wareego talada wadanka uu diiradda saari doono dib u soo noleynta dhaqaalaha.
Mudavadi ayaa sheegay in Kenyaanka ay hadda wajahayaan culeys dhaqaale oo aan loo baahneyn in arrimo siyaasadeed la isku mashquuliyo.