Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay xaaladaha cusub ee cudurka COVID-19 oo gaaraya 800.
Tirada guud ee kiisaska cudur sidaha corona ee dalka ayaa hadda ah 211, 828.
10 ka mid ah kiisaska cusub ee maanta lagu dhawaaqay waxaa laga xaqiijiyay ismaamulka Garissa.
Sidoo kale waxaa la diiwaangeliyay 32 dhimasho ah oo xilli dambe la soo sheegay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in kiisaska cusub laga soo saaray baaritaan lagu sameeyay dheecaan dhan 6, 530.
278 bukaan oo dheeraad ah ayaa canuunka ka caafimaaday tani oo tirada bogsashada guud ka dhigaysa 197,307.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Kenya cudurka COVID1-19 ugu dhimatay 4, 149 qof.
Sidoo kale waxaa xanuunka laga tallaalay 1.8 milyan oo ruux.