Taliban oo la wareegtay magaalo saddexaad oo muhiim ah ee dalka Afghanistan

0
520

Kooxda Taliban ayaa la wareegtay magaalada Kunduz ee waqooyiga dalka Afghanistan.
Waa magaaladii saddeexaad oo ah caasimad goboleed ay ururka Taliban qabsadaan.
Bayaan ka soo baxay kooxda Taliban ayaa lagu sheegay in ay qabsadeen xarunta booliiska, xarunta guddoomiyaha iyo xabsiga magaaladaasi.
Mas’uul ka tirsan dowladda hoose ee magaalada Kunduz ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan xarumihii dowladda ay gacanta ku hayaan kooxda Taliban, waxa aan ka ahayn xarunta dhexe ee ciidamada iyo gegida diyaaradaha ee magaaladaasi.
Dagaal xooggan oo dhexmaray labadad dhinac ayaa sababay in kooxda Taliban ay kala wareegaan ciidamada dowladda magaalada Kunduz.
Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Kunduz ayaa sheegay in isbitaallada geeyeen meydadka 14 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur iyo in ka badan 30 qof oo dhaawac ah.
La wareegida magaaladan ee kooxda Taliban ayaa imaanaysa ka dib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay ay qabsandeen gobollada Nimroz iyo Jowzjan.