Militariga Kuuriyada Waqooyi oo u gurmanaya shacab ay roobab saameeyeen

0
575

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ciidamada difaaca wadankaasi ku amray inay gurmad u fidiyaan dadweynaha ku nool deegaanno ay dhawaan roobab saameyn yeeshay ka da’een.
Deegaannadan ayaa dhanka bari ka xiga gobolka koonfureed ee Hamgyong .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la soo sheegaya in wadankaasi uu wajahayo culeys dhaqaale halka cuntooyinka ay gaabad yihiin.
Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa ku warramaysa in militariga dalkaasi uu yeeshay kulan degdeg ah oo lagu dhaqangelinaya amarka Kim Jong Un.
Ciidamada gaashaan dhigga ayaa gacan ka gaysan doono qaadidda tallaabooyin degdeg ah oo dib loogu dhisaya kaabayaasha burburay, wanaajinta nolosha shacabka, ka hor tagga faafidda caabuqa corona iyo in la yareeyo khasaaraha gaaray dalagga beeraha.