DHAGEYSO:Mooshin ka dhan korontada deegaanka Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera oo maxkamadda la geynayo

0
784

Mid ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee deegaanka Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera oo lagu magacaabo Cabdi Aadan Giro oo ku magacdheer Hon Mayor oo nagu soo booqday xarunta dhexe ee idaacadda Star Fm ayaa ka hadlay dhibaatada korontada ay ku hayso dadka ku nool deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay in muddo ah ay koronta la’aan halkaas ka jirto.
Waxaa uu ugu horeyn ka warbixinaya dhibaatada ay shacabka Ceelwaaq ku qabaan korontada isagoona sheegay in arrin ka dhan korontada uu mooshiin ka gudbinaya.

Waxaa uu intaa ku daraya inuu la hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Mandera isagoona sheegay inaysan wali waxba ka qaban.

Mr Cabdi ayaa sidoo kale ka warbixinaya inta xafiis ee uu geeyay mooshiinka ka dhanka ah korontada isagoona sheegay in muddo laba toddobaa ah uu fursad siinaya intaa uunan maxkmadda u gudbin dacwad arrinkan ka dhan ah